|

Kalfadhigii 2aad ee Golaha Deegaanka Berbera oo maanta Furmay iyo Maayarka Magaaladaas oo ka waramay Waxqabadkoodii

Berbera 19.March (SDN) Kalfadhigii labaad ee Golaha deegaanka ee Magaalada Berbera ayaa Maanta ka furmay Xarunta Dawlada hoose ee Berbera.

Fadhigan oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera ahna Maayarka Magaaladaasi C.shakuur Maxamud Cidin isagoo Mudanayaasha Golaha deegaanka Warbixin ka siiyay waxyaabihii maamulkooda u qabsoomay Kalfadhigii Kowaad waxaanu Yidhi “Waxaanu Magaalada ku qaadnay Olole nadaafadeed haday tahay,Xildhibaano,Shaqaalaha Dawlada Hoose,Waxaanu Wax ka qabanay Kawaanka Xoolaha,Sidoo kale waxaan dhiirigalinay in Xafiiskasta oo dawlada hoose ay leedahay uu iskii u shaqeeyo isaga oo aan Cid daba taagnayn”.

Maayarku waxaa kale oo uu Xusay Mushahar kordhin ay u sameeyeen Shaqaalaha dawlada hoose waxaanu yidhi “Waxaanu kordhinay Mushaharkii Shaqaalaha oo aanu ka dhignay Boqolkiiba Konton,balse Xildhibaano waxaa Sharcigu yahay inaad ansixisaan Korodhsiimahaas”.

Maayarka Magaalada Berbera waxaa kale oo uu iftiimiyay Mashaariic kala duwan oo ay ka hir galiyeen Magaalada Berbera kuwaas oo ay ka mid yihiin Sida  uu Sheegay dhismayaal ay ku soo kordhiyeen iyo kuwo ay dhagax dhigeen isla markaana uu dhismahoodii socdo kana mid yihiin Xaruntii Damdamiska ee Berbera,Xafiiska Maxkamada Racfaanka oo ay dibu habayn ku sameeyeen.

Mudane C,Shakuur Maxamud Cidin waxa uu Shacabka ku nool Magaalada Berbera ugu baaqay inay si Wadaniyadi ku dheehan tahay u bixiyaan Cashuuraha ku waajibay si ay u helaan adeega ay ka filayaan “Bulshada Magaalada berbera fariin ayaan u dirayaa hadii aad doonaysaan Horumar,Hadii aad doonaysaan quruxdii magaalada,hadii aad rabtaan Faya dhawr nadaafadeed waa inaad bixisaan Cashuuraha waana ta aynu horumarka ku gaadhayno”

Waxaa kale oo halkaasi hadal ka soo jeediyay Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Berbera Suhayb maxamed Cali kana waramay hawl galada u qorshaysan dawlad hoose.

Berbera SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed