|

Midowga Africa oo dhaleeceeyay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 19 2013 (SDN)— Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif,ayaa si kulul ugu hadlay qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo sarkaal hay’ada Nabad sugida ka tirsan.

Wuxuu sheegay Mr Anadif in hadii ay yihiin ururka Midowga Africa si weyn u dhaleeceynayaan Qaraxii shalay sababay dhimashada iyo dhaawac shacabka soo gaaray,isagoona ku micneeyay Qaraxaasi dib ugu noqashada qalalaaso laga soo gudbay.

“Weerarkaan wuxuu aha mid cabsi lagu gilinayay shacabka Muqdisho,waana qarax lagu daboolayo dadaaladii mudooyinkaan soo socday ee Nabada loogu gogol xaarayay”,ayuu yiri Maxamed Saalax Anadif.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in Qaraxyada inta badan ka dhaca Muqdisho ay ka danbeeyaan dhalinyaro xariir la leh Al-shabaab waana mid la qorsheeyay oo dano gaar ah laga leeyahay ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu Tacsi u diray Ambasdorka dhamaan Ehalada waxyeelada ka soo gaartay dadkooda,isagoona balan qaaday in AMISOM wax badan ay ka qaban doonto falalka ceynkaani oo kala ah.

Ugu danbeyntii Maxamed Saalax Anadif ayaa shacabka ka codsaday inay wada shaqeyn fiican dhexmarto iyaga iyo ciidamada isku dhafka ah ee Muqdisho ku sugan si amaanka loo sugo.

SDN-Muqdisho

Comments are closed