|

Hay’adda Nabad Sugida Qaranka oo Sheegtay in ay wax ka qabaneyso Amaanka Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 19 2013 (SDN)– Saraakiisha Hay’adda Nabadsugida ee ayaa sheegay inay xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho markii shalay qarax ismiidaamin ah lagu weeraray taliyaha hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida ee Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raga ka tirsan Shabaab ay kula jiraan dagaal dhanka Hay’adda Nabadsugida xaq ah halka Dhanka Shabaabna uu ku tilmaamay mid xaqdaro ah.

Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay inay ka go’an tahay ciidanka Nabadsugida dalka xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo inay ugeeriyoodaan iyaga oo dalkooda daafacaya.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu yeeray inay ka qeyb qaataan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho laamaha ammaanka ee Dowladdana ay la shaqeeyaan.

Al-Shabaab ayaa shalay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ruuxii waday ku qarxiyay wado laami ah oo uu maraye taliyaha hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir inkastoo dhaawac yar uu taliyaha soo gaaray hadana shacab badan ayaa halkaasi ku waxyeeloobay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed