Mucaaradka Syria oo Sameytay Ra’iisul wasaare Cusub
Istanbul March 19 2013 (SDN)—Mucaaradka dalka Syria ayaa Kulan ay ku yeesheen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxa ay ku soo doorteen Ra’iisul wasaare Cusub oo Mucaaradka dalkaasi u Maamula goobaha ay kala wareegeen dowladda Madaxweyne Assad.
Mucaaradka Syria ayaa Ku dhawaaqay in Ra’iisul wasaare ay u doorteen Ghassan Hitto oo ah Nin Tobonaan sano ku soo noolaa dalka Maraykanka.
Hogaamiyahan Cusub ee ay Doorteen ayaa looga baahan yahay in uu la yimaado qorshayaal cusub oo lagu Maamulo goobaha ay Mucaaradka dagaalka ku jira kala wareegeen dowladda Madaxweyne Bishar Al Assad.
Dagaalada Syria ayaa soconaya muddo 2-sano ah waxaa la sheegayaa in ay ka qeybqadanayaan kooxo la rumeysan yahay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al Qaacidda.