Cabdi iley“Waxa Wax La Sixi Karaa Markaad Gartiina Qaadataan, Dawladdana Waa Inaad Ixtiraamtaan”
Xarshin, Mon-18-March-2013 (somalidiasporanews) – Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay socdaal uu ugu magacdaray socdaalkii nabada oo uu ku tagay degmada Xarshin ee kililkaas oo maalmihii u dambeeyay dablay hubaysan ay dad rayid ah ku laayeen ka jeediyey qudbad dheer oo ku xod-xodanayey dadka deegaankaas oo ka soo taagan maamulkiisa.
Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa si weyn Magaalada Xarshin ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan Xarshin iyo deegaanada ku xeeran, waxaanu Madaxwaynuhu kulan la yeeshay dadwaynaha, isaga oo u jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa sidii ay dadka deegaanku ula shaqayn lahaayeen Maamulkiisa.
Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa isaga oo dadka reer Xarshimeed la hadlaya, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta joogo Magaalada Xarshin, waxaan idiinka Mahad-celinayaa sida aad noo soo dhawayseen” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anagu waxaanu u nimid Xarshin inaynu ka wada tashano horumarka, nabadgalyada iyo maamulka Suuban”.
Madaxwaynaha Somalida Itoobiya, waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa wax la sixi karaa marka la wada hadlo ee idinkuna aad qaadataan (Gartiina) anaguna qaadano, idinkuna waa inaad dawladda ixtiraamtaan”ayuu yidhi.
SDN-Xarshin
contact@somalidiasporanews.com