|

Kulan lagaga hadlayay Cidhib tirka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 18.March (SDN)  Kulan hawleed lagaga hadlayey  tacadiyada loo gaysto haweenka iyo caruurta iyo sidii  bulshada looga wacyi gelin lahaa ayaa maanta lagu qabtay Huteel maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulan-howleedkaa oo ay ka soo qayb-galeen  hawl wadeeno ka kala socday wasaaradaha  dawladda qaarkood iyo ururada maxaliga ah, kuwa Bulshada, wax-garadka , Cuqaal  iyo culimada diinta ayaa  waxa ugu horayn halkaa ka hadashay Agaasimaha Fulinta ee daladdaHaweenka NEGAAD Marwo Nafiisa   Yuusuf Axmed,Waxaanay sheegtay in kulankani la xidhiidho  sidii  wax  la isaga weydiin lahaa dadaalka ku wajahan cidhib tirka  tacadiyada haweenka iyo caruurta loo gaysto.iyadoo  xustay in  dhibaatadan sida keliya ee wax looga qaban karaa ay tahay iyada oo Bulshadu  ay iska kaashato wax ka qabashadeeda. Waxaanay intaa ku dartay in ay  dalada haweenkaNEGAAD ahaan soo dhowey-nayaan cid kasta oo arinkaasi inay wax ka qabato isu taagta.

Marwo Nafiisa  Yuusuf Axmed Waxay u soo jeedisay ka qayb galayaasha  in macluumaadka ay kulankan is-ku dhaaf-sadaan  ay ku dedaalaan sidii ay  bulshada ugu gudbin lahaayeen si ay midha dhal u noqon karto wax ka qabashada  dhibaatada tacadiyada haweenka iyo caruurta loogaysto.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed