|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Galabta si Kedisa ah loo arkay isagoo ilaalo wadan kana Shaahaynaya Mid ka Mid ah Huteelada Caasimada

Hargaysa 06.March (SDN)   Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa galabta si kadiso ah loogu arkay isagoo ku sugan Mid ka Mid ah Huteelada Magaalada Hargaysa isla markaana aaan Wadan Wax Ilaalo ah oo u gaar ah.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Waxa uu Xiligaas Si caadi ah ula fadhiyay Qaar  ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Xubno isugu Jira madaxdhaqameed iyo Waxgarad kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Muddane C,raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo ay Wakhtigaas uu ku sugnaa Huteelka Imperial ay Warbaahintu kula Kulantay  kulantay huteelkaas ayay wax ka Weydiisay Dareenkiisa waxaanu Sheegay inuu ku faraxsan yahay in Isaga oo aan Wadan Wax ilaalo ah uu iska dhex mushaaxo Shacabkii soo doortay isla markaana ay taasi ka markhaati kacayso ayuu yidhi nabada somaliland ka jirta .

Madaxweyne ku  xigeenka Somaliland ayaaa Sheegay inuu Nasasho ku dareemo Socdaalada noocan oo kale ah taas oo ii dhawaynaysa ayuu Yidhi Shacabka uu Madaxda u yahay sidii uu u Ogaan lahaa Xaaladooda waxaanu intaas ku daray in Markii hore uu Maddaxweynaha lagu yaqaanay Socdaalada Kediska ah .

Hargasya SDN.

Qurbejoog.com@gmail.com

Comments are closed