Wasiiro u Baqoolay Turkiga si ay Madaxweyne Siilaanyo ugu sii Gogol Xaadhaan iyo Gudoomiyihii Golaha Guurtida oo Soo Guryo noqday kana hadlay arrimo kala duwan
Berbera 06.March (SDN) Wasiirada Wasaaradaha Macdanta,Biyaha iyo Waxbarashada ayaa maanta u ambo baxay Wadanka Turkiga,iyagoo u gogol xaadhaya Socdaalka uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku tagayo Wadankaas.
Labadan Wasiir oo ka duulay Madaarka Magaalada Berbera ayaa ka hor intii aanay ka ambo bixin dalka waxay Warbaahinta uga warameen Ujeedada Socdaalkooda ayaa waxay Sheegeen inay Wadanka Turkiga kala hadli doonaan Iskaashiga Labada dal,iyo sii xoojinta Mashaariicda Horumarineed ee ay Dawlada Turkigu ka Caawiso Somaliland, Sida Biyaha,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Wixii la hal Maala .
“Waxaanu nahay Wasiiro Hormood ah oo Gogol Xaadh u ah Safar uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku tagayo Wadanka Turkiga, Markaas anagaa naloo sii diray inaanu u sii gogol xaadhno,Socdaalkayaguna intaas ayuu ku saabsan yahay” Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale.
Geesta kale Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa dhinaceeda ka sheegtay inay sii mari doonaan Magaalada Addis ababa oo ay kulan kula yeelan doonaan Ganacsato Maalgashi ku samaynaysa Somaliland iyadoo intaas ku dartay inay markaas kadib u kicitimi doonaan Wadanka Turkiga oo ay Xustay inay ka heleen marti qaad rasmi ah.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa galabta dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay Socdaal Caafimaad oo uu in Mudo ah ugu maqnaa Wadanka Ingiriiska .
Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo hadal kooban Warbaahinta Siiyay ayaa Sheegay in Xaaladiisa Caafimaad ay Wanaagsan tahay isla markaana uu alle ka dul qaaday Xanuunkii Hayay waxaanu intaas ku daray in Bulshada Somaliland looga baahan yahay Sidii ay u ilaashan lahaayeen Nabadgalyada aynu ku naaloonayno
Gudoomiye Saleebaan Maxamud Aadan oo la Weydiiyay Dib u furis lagu sameeyo Distoorka oo ahayd Soo Jeedin ka Timid Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Yidhi ” Distoorka markii loo baahdo waa la badeli karaa, sababtoo ah Distoorka ummad ayeynu u samaynay oo Qur’aankii Maaha, halkii la garan waayo waynu iska badalaynaa Saw Maad Garan”.
Sidoo kale Waxa uu Gudoomiyaha Golaha Guurtidu ka hadlay Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia iyo aragtidiisa ku aadan Shirka Ingiriisku Iclaamiyay ee Bisha May ka qabsoomi doona Wadanka Uk “Anigu waxaan qabaa in shir walba laga qab-galo, waxaana muhiimadu tahay wixii danteenu ku jirto” Sidaa Waxaa Yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida .
Gudoomiyuhu Isla Galabta ayuu soo Gaadhay Caasimada Hargaysa .
Berbera SDN.
contact@somalidiasporanews.com