Dawlada Somaliland oo Dareen Sas leh ka Muujisay Xayiraad ka qaadista Hubka Somalia,Shaqaaqo ka soo Cusboonaatay Deeganka Xariirad ee Gobolka Salal
Hargaysa 06.March (SDN) Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta daboolka ka Qaaday Sida ay uga soo Horjeedo in cuno-qabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. Taasi oo Golaha Ammaanka ee Qarramadda midoobay ka baaraan degayaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta u waramayay Warbaahinta dalka ayaa Sidoo kale ka hadlay shaqaaqo ka dhacday xeebta Galbeedka Somaliland, waxaanuu sheegay inay halkaasi geeyeen Ciidamo dheeraad ah oo kala dhex gala beelahaasi,Isagoo intaas ku daray inay ilaahay ka baryayan inuu kala qaboonjiyo,Labadan beelood ee Xurguftu ku dhex martay Deegaanka Degmada Xariirada ee Gobolka Salal waxaanu Cadeeyay in gurmad weyn loogu jiro sidii loo damin lahaa shaqaaqadaasi.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,iyo Wacyigelinta Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse Waxa uu Xusay in Mawqifka ay Somaliland ka qabto Cuna qabataynta dhinaca Hubka ee Saaran Wadanka Somalia ay tahay Mid Cad waxaanu ku dooday in aanay Jirin Sabab loo fasaxo in cunaqabataynta hubka laga qaado Somalia isagoo Sheegay in hadii ay arrintaasi Suurto gasho ay horseedi doonto Fawdo Cusub, maleeshiyaad iyo kooxo xag jir ah iyo qaar nabad diida inuu gacanta u galo.
Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu intaas ku daray in Somaliland uu Khatar ku noqon karo hubka loo fasaxayo Wadanka Somalia ee aynu dariska nahay.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafintu waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqo shalay galab ka dhacday xeebta Saylac gaar ahaan deegaanka Xariirad ee galbeedka Somaliland , waxaanuu sheegay in gurmad loo galay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka oogan deegaankaas,isagoo intaas ku daray inay Ciidamo fara badan u direen deegaankaas,kuwaas oo Sugaya amniga iyo kala danbaynta .
Hargasya SDN.
Qurbejoog.com@gmail.com