|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo beeniyay Kabo la Sheegay inuu Magaca eebe ku Qoran yahay oo Hargaysa la keenay

Hargaysa 06.March (SDN) Agaasimaha Guud ee wasaarada diinta iyo Awqaafta  Sh.C/rashiid C/llahi Maxamed, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay  war ay war-baahinta maxaliga ah qaarkood ay ka qoreen oo ku saabsan kabo la sheegay in ay ku dhigan yahay  qoraal  ka dhan ah diinta islaamka.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay in kabahaasi oo dacas ah markii ay arkeen wasaarad ahaan  ay cadaatay inaanay  jirin  wax cad  oo muujinaya in  ay ku qoran yihiin wax meel ka dhac ku ah diinta islaamka, waxaanuu  dadweynaha u jeediyey  inaanay shaki gelinin  wax  aan dhab ahaan cadayn oo aan la hubin.

Agaasimaha Guud  waxa uu ganacsatada ujeediyey  inay  ka feejignaadaan  badeecadaha  shaki   abuuri kara dhiinta. Waxaanuu  ku baaqay in dawlad iyo shacab-ba dhinac looga soo wada jeedo arimahaasi oo kale.

Sh. Axmed Dhinbiil oo ah Agaasimaha  Waaxda Fatwada eewasaarada diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay inaanay  kabahaasi ku haynin  wax  tilmaamaya   Magaca Alle oo ku cad , waxaanuu dadweynaha   u soo jeediyay inay ka  fogaadaan wax kasta oo shaki  gelin kara  waxa cad ee  la hubana ay qaataan.

Hargasya SDN.

Qurbejoog.com@gmail.com

Comments are closed