Wasiirka Cadaalada oo ku Wareejiyay Ciidanka Asluubta Xafiisyo ay ku Shaqeeyaan
Hargaysa 06.March (SDN) Wasiirka wasaarada cadaalada Mud, Xuseen Axmed caydiid,ayaa maanta ku wareejiyey Taliyaha ciidanka asluubta Sareeye-Guuto Maxamed Xuseen Faarax,Qalab xafiiseed loogu tala galay xarumaha ciidanka asluubta ee shan Gobo loo ka mid ah Goboladadalka.
Munaasibadda Gudoonka deeqdan oo lagu qabtay xarunta wasaarada cadaaladda ayaa wasiirku waxa uu ku wareejiyey Taliyaha Ciidanka qalabka xafiisyada taliyayaasha ciidanka asluubta ee Gobolada T/dheer,Saaxil,Awdal, Hawd iyo Gabilay.
Hadal uu halkaasi kajeediyey Wasiirkawasaarada cadaalada Mud, xuseen Axmed Caydiid,ayaa waxa uu ugu horayn halkaa uga mahad-naqay Hay’adda UNDP oo iyadu ku deeqdan qalabka,waxaanuu sheegey in qalabkan loogu tala galay inuu daboolo baahidii dhinacyada xafiisyada ee xarumahaas. Waxaanuu taliyayaasha ciidanka asluubta ee goboladaas inay qalabka dhaqaalaystaan.
Waxaanuu wasiirku intaa raaciyey inaanu qalabkani noqon doonin deeqdii ugu horaysay ee nooceeda ah ee gaadha xarumahaasi. Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay in wasaarad ahaan ay ku dedaalayaan sidii ay u sugi lahaayeen xuquuqda maxaabiista xabsiyada ku jiraa ayleeyihiin.
Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto Maxamed Xuseen Faarax,oo isna halka ka hadlay ayaa waramay baahiyaha dhinaca qalabka xafiisyada ee ka jira talisyada ciidanka asluubta ee gobolada dalka. Waxaanuu wasiirka uga mahad naqay dedaalkiisa wax ka qabashada baahiyaha xafiisyada ku wajahan, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay kormweerka iyo ka war haynta wasiirku ku sameeyey xabsiyada .
Hargasya SDN.
Qurbejoog.com@gmail.com