|

Hugo Chavez Madaxweynihii dalka Venezuela oo geeriyooday

Caracas March 06 2013 (SDN)– Madaxweynihii dalka Venezuela Hugo Chavez ayaa ku geeriyooday caasimadda Venezuela ee Caracas Talaadadii shalay kaddib markii uu muddo dheer la xanuunsanayay cudurka Kansarka.

Geerida Madxweynihii dalka Venezuela Hugo Chaves ayaa si rasmi ah uga aqriyay Taleefashinka Qaranka wadankaasi Madaxweyne kuxigeenka, Nicolas Maduro.

Mr. Maduro ayaa Talaadadii shalay ku eedeeyay wuxuu ku tilmaamay cadowga Chavez inay madaxweyne ku rideen cudurka kansarka, balse ma sheegin sida ay taasi u dhacday.

Sidoo kale, Venezuela waxay dalkeeda ka cayrisay labo diplomaasiyiin Maraykan ah oo ay ku eedeysay inay la kulmeen saraakiil militari isla markaana ay maleegayeen inay qalalaase xukuumadda dakjaasu galiyaan.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa dadka ugu baaqay inay daganaan muujiyaan,  waxaana Chavez la aasi doonaa maalinta Jimcaha.

Hugo Chavez oo da’diisu aheyd 58-sano jir ayaa dalkaasi xakumayay muddo 14-sano ah isagoo dhawaan sidoo kale loo doortay in 6-sano ee soo aadan uu sii hogaamiyo.

Waxaa dalka sii hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi kaasi oo laga doonayo in doorasho uu dalka ka qabto muddo 30-maalmod gudahood.

Comments are closed