Faysal Cali Waraabe:Shirka Wadatashiga Somaliland waxaan ku Casuumeynaa Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Prof Cali Khaliif Galeydh
Amsterdam Mar 06,2013(SDN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa khudbad uu ka jeediyay dalka Holland waxa uu ka sheegay in uu abaabulayo shir wada tashi oo ay isugu imanayaan aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa warkaa ku xusay khudbad uu ka jeediyay munaasid xisbiga loogu qabtay dalka Holland.
Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in Shirkan ay ku casuumayaan Prof Axmed Ismaciil Samatar iyo Prof Cali Khalif Galeydh.
Shirkan ayuu Faysal Cali Waraabe sheegay in looga gol leeyahay in lagu lafo guro ayaaha Somaliland.
“Labadaba Cali iyo Axmed Waxa aan weydiin doonaa in ay jirto in Somalia iyo Somaliland aanu lixdankii ku bahoownay iyo in kale,Cali Khaliifna waxaan leeyahay in aanu gobol noqono iyo in aanu Qaran noqono kee la inoo qaatay?”ayu yiri Guddoomiyaha UCID.
“Cali hadii uu in qancin waayo waxaan leeyahay dee saaxiib igu soo daba fely”ayuu raaciyay Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in Shirka wada tashiga Somaliland lagu qaban doono Abu Dubai ama London mid kood.
SDN-Amstardam
contact@somalidiasporanews.com