Qarax mar kale ka dhacay Xaafada Soomaalida ee Nairobi
Nairobi Mar 06,2013(SDN)-Booliiska magaalada Nairobi ayaa sheegay in kharax ka dhacay xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee magaalada Nairobi maalinimadii shalay.
“waxa qarax uu ka dhacay xaafada Eastleigh,waxaanse weli la hubin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi,iyo waxa ay sababay qaraxa”sidaa waxa yiri taliyaha ciidanka Booliiska ee Nairobi Moses Ombati.
Masuuliyiinta Kiinya ayaa qaraxa Eastleigh ka dhacay waxa ay ku eedeeyeen kooxda Al Shabaab ee Ciidamada Kiinya dagaalka kula jira.
Kooxda Al Shabaab ayaa dhawaan soo saaray war ay ku sheegeen in ay weerarayaan Kiinya mudada lagu gudo jiro Doorashooyinka.
Kooxda Al Shababa ayaanse ka waramin qaraxyadan ka dhacay dalka Kiinya ee iyaga dusha loo saaray.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com