Maayarka Magaalada Badhan oo Beeniyay in shir beeleed ka socda deegaanka Damale Xagare uu Xidhiidh la leeyahay Siyaasad ka dhan ah Somaliland
Badhan 05.March (SDN) Maayarka Magaalada Badhan Faysal C.laahi Faatax ayaa maanta Cadeeyay in Shir uga Socda Deegaanka Damalo Xagare uu ku saabsan Yahay Arrimo dib u heshiisiin dhinaca beelaha wada dega deegaankaas.
Maayarka Magaalada Badhan oo u Waramayay Shabakada Wararka ee Qurbe Joog waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu baahiyay Wargayska Waaheen oo Shirkaas ku sifeeyay mid Siyaasadeed oo lagu mijo xaabinayo Qaranimada Somaliland .
Maayarka Magaalada Badhan Faysal C.laahi Faatax waxa uu Sheegay inay Shirkan Goob joog ka yihiin Gudoomiyaha Gobolka Badhan iyo Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolkaas isagoo intaas ku daray in natiijada Shirkaas ay ku Shaacin doonan Sida ay u taageersan yihiin Qaranimada Somaliland.
Maayarkani waxa uu intaas ku daray inay Shirkan oo ay soo abaabuleen Qabsoomidiisa Garaad Saleebaan Garaad Maxamud iyo Suldaanka Warsangali Suldaan Siciid Suldaan C/salaan isla markaana ay Ujeedadiisii Salka ku hayso sida uu Yidhi Heshiis buuxa oo laga dhex dhaliyo labadaas beelood ee Ugaadhyahan iyo Cumar kuwaas oo kala dilay ilaa Todoba Qof waxaanu intaas ku daray in Wejigii kowaad ee Shirku uu dhamaaday isla markaana ay filayaan in arbacada beri ay yimaadaan Deegaanka Damalo xagare Ergooyin ka qayb galaya Shirkan oo Weji labaad noqon doona .
Badhan SDN.