Kooxaha Kubada Cagta ee Heerka 1aad ee Caasimada oo uu Galabta Tartan uga Furmay Hargaysa Stadium
Hargaya 05.March.(SDN) Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada,iyo Ganacsiga ayaa galabta Furay Garoonka Hargaysa Studium tartanka kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan caasimada Hargeysa
Tartankan oo ay ka qayb galayaan Sagaal kooxood oo heerka koowaad ah ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaarada dhalinyarada dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland.
Furitaankii tartankan Waxaa ka qayb galay Ku Simaha Maayarka Caasimada hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Caasimada,Taliyaha Qaybta booliska ee Galbeedka Caasimada,Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac iyo Marti Sharaf kale.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal ayaa tilmaamay ahmiyada uu tartankani u leeyahay kooxaha heerka kowaad ee Ka dhisan Magaaladda hargaysa kaas oo loo dhigay sida uu sheegay koob loogu magac daray Koobka Horumarinta Kooxaha heerka kowaad ee Kubada cagta waxa uu Wasiirku xusay in Wasaarad ahaan iyo Xukuumaduba dadaal badan u galeen Qabsoomida tartankan si ay dhalinyaradu isaga daayaam ayuu yidhi balwadaha dhaawacaya mustaqbalkooda .
Wasiirku waxaa kale oo uu Sheegay in bilaha soo socda uu furmi doono Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland isagoo intaas ku daray inay ku rajo weyn yihiin inay Tartankan ka soo baxaan dhalinyaro Xirfad yahan ah.
Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu u mahadceliyay Talisyada Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Wasaarada Duulista iyo Hawada oo Gunooyin u qoray Lix ka mid ah Sagaalka naadi ee Tartanka ka qayb qaadanaya.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga ee Somaliland C.risaaq Khaliif Axmed ayaa Soo dhaweeyay qabsoomida Tartankan,Waxa uu Wasiirkani u soo jeediyay Kooxaha Tartankan ka qayb qaadanayay inay ilaaliyaan Akhlaaqda iyo Anshaxa Ciyaaraha ay wada yeelanayaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Mustafe Maxamed Qodax iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ku booriyay bulshada Caasimadu inay dhiirigalin niyadeed u fidiyaan Dhalinyarada ka qayb qaadanaysa Tartankan,iyagoo Xusay in Tartankan laga soo Xuli doono dhalinyarada ka qayb qaadan doonta Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland ee bisha Lixaad ee Sannadkan loo qorsheeyay inuu ka bilaabmo isla garoonka Hargaysa Stadium.
Ciyaartii lagu Furayay Tartankan waxaa fooda isku daray kooxaha Ciidanka Asluubta iyo kooxda ku ciyaarta magaca wasaarada ganacsiga Somaliland.
Hargaysa SDN
Qurbejoog@gmail.com