Fadhiga Barlamanka Soomaaliya oo maalintii Labaad u baaqanaya Kooram Yari
Muqdisho March 05 2013 (SDN)— Maalintii 2-aad ayaa waxa kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamanka kaaso ay uga doodi lahaayeen qorshaha wajiga 2 aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.
Warar kale gadisan ayaa kasoo baxaya sababaha uu baaqday kulanka maalintii labaad Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaar kamid ah Xildhibaanad soo xaadirin shalay iyo maanta ayaa ka hadlay sida ay u arkaan waxa sababay soo xaadiritaan la,aanta xubnaha kale ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Qaalid Cumar Cali ayaa ku macneeyay sababo badan oo isbiirsaday oo ka mid tahay xubnaha golaha wasiirada ee ku jra Baarlamaanka oo aanan soo xaadirin iyo kuwa ku maqan safarka ee Barlamaanka ka tirsan inay u baaqdeen kulamada Baarlamaanka .
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriya ayaa farta ku guday xeer hoosaadka waxa uu ka qabo soo xaadir la’aanta xubnaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa horay ugu war galiyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan kulamada baarlamanka ee wajiga 2 aad ee Baarlamaanka si loo dardargaliyo howlaha hor yaala ee baaxada leh ee horyaala Baarlamanka.
SDN-Muqdisho