HADAAD ARAKTO SHEEKH MAR WALBA LA XIDHAYO RUN BUU SHEEGAY,HADAAD ARAKTA SHEEKH DADKOO DHAMI RAALI KA YAHAY WALI RUNTII MUU SHEEGIN
Waan idin salaamayaa dhamaantiin asclwrxwbrktuh
Ku socota dawlada hadalka toosan ee xaqa ah dood iyo muran iyo xadhig waad kala hortimaadaana maantana sheikh maxamuud geele ma waxaad ku xidheen waxaad dhamaantiin is wada tiraahdaan uun buu yidhi ee ma wax kale ayuu yidhi.
Waligeedba xaqa iyo baadilku waa col dadka runta sheega iyo dadka beenta sheegaana waa col haddaba marka baadilku helo xukun uu amro waxaa uu ku wareegsadaa munaafiqiin uu ku amro la soo dagaalama kuwa xaqa sheegaya iyo runta umana aabo yeelo cidna waayo hogaamiyahoodu waa iblays nacadali ha ku dhacdee ogaada guushuna waxay ku danbayndoontaa haddii alle yidhaa muuminiita runta iyo xaqa sheegayee .
Waxaanse la yaabanahay culimada reer hargeysa ee xaqa huwinaya markhaatiga dulaysan ee ah aamuska culimada waxaa ku waajib ah haddii sheikh saxsan yahay inay taageeraan haddii uu khaldan yahayna u naseexeeyaan sida islaamku na farayo ooy la taliyaan laakiin aamusku waxaa uu ka tarjumayaa inaad taageeraysaan baadilkaasi foosha xun ilaahayna waa idiinku cadhoon .shacbigana waxaan leeyahay marka la xidho ku sheegtay boqor iyo suldaanada ee la idinka xidho waad wada qaylisaane, u hiiliya awliyada ilaahay haddii kale cadho alle ayaa idinku dhici waanay idinku socotaa iminka ciqaabtii oo waydinkaa amnigii arka hargeysa halkuu maraayo waayo kuwiina xaqa sheegi uma hiilisaan ee awaxaad u hiilisaan kuwiina aad adduunka ku walaalowdeen ee aad isku qolada tihiin waar sheikh maxamuud waxay isku qolo yihiin nabi maxamed s.a.w. ee haddaad nabiga jeceshihiin u hiiliya wakiiladiisa jecel inay soo nooleeyaan sunadiisii , nabigana waxay isku qolo yihiin ninka jecel sunadiisii inii raaco muumintu waa walaalo waa isku qolo ilaahay hortii bay walaalo u yihiin oo iskugu hiiliyaan magaciin baye sheikh u kaca haddii kale fisha cadho alle walee inaydaan barwaaqo arkaynin hadaydaan u hiilin awliyadiisa iyo kuwa xaqa sheegayaba .
Sheikh bashiir waad ogtihiin oo waynu ku ceebaysanahay waar sheekhana yaan ceebi inaga raacin culimadeena iyo shacbi ahaanba aan duliga ka gilgilano oo yaan nin sheikh iyo mid kalaba la dulmiyin intaynu nool nahay aan ka dhiidhino dulmiga munaafiqiinta xaaji af qalooca waxaa uu yidhi gabaygii uu u tiriyey sheikh bashiir sidan
Dadkii u necbaa iyo kufaraa daawasho u yimiye
Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye
Maydkiisii daahirka ahaa markii debeda loo jiiday
Kolkii aaska loo diiday waad wada dul joogteene
Ma danqado jidhkiiniye waadna ku digateene
Nasab hadaad duriyaddii tihiin kama dareerteene
Duli inaad tihiin buu hubsaday diinta caasiyaye
Dahab buu ku iibshaa dhulkaa dir u lahaydeene
Midna darajo kuma haysataan labada daaroode
Duligaasi ku jira noloshu waa idinku deel qaafe
Dinadaha iyo idinkuba horaad u damac xumaydeene
(gabadyga siduu iskugu xigay umaan soo tabin baydba meel ayaan ka soo qaatay)
waad aragtaan sida laynoogu gabyey uma hiilino culimadeena waar aynu ilaahay raali galin oo yaan nin ilaahay xaqiisa sheegi laynga hor waxyeelayn inagoo nool iyo qof muslin toona
sidaa iyo nabad gelyo
fuad farah jawi
Ottawa Canada