|

Faah Faahin Safarkii Ra’iisul wasaare Saacid uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb March 04 2013 (SDN)— Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Raysal wasaaraha soomaaliya ayaa magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolkaasi.

Raysal wasaare Saacid iyo mas’uuliyiintii kulanka uu la qaatay ayaa waxa ay isla gor feeyeen arimaha amaanka, horumarka, caafimaadka iyo wax barashada gobolka.

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashada maanta uu ku tagay gobolka Galgaduud isagoona tilmaamay in dowlada federaalka soomaaliya ay xooga saari doonto sidii lagu horumarin lahaa wax barashada gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud oo isna kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xaalada gobolka ay wanaagsan tahay isagoona dowlada ka codsaday in ay ka taageerto dhinacyada wax barashada iyo caafimaadka oo uu tilmaamay in gobolka uu aad ugu liito.

Waa markii ugu horeysay Raysal Wasaare Saacid uu booqdo Gobolka Galgaduud oo ay ka arimiyaan ururka ahlu suna, isagoona horey u booqday magaalooyinka Marka iyo Baladweyne ee Gobolada Shabelada Hoose iyo Hiiraan.

SDN-Dhuusamareeb

Comments are closed