|

Ra’iisul wasaare Saacid iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goor dhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb March 04 2013 (SDN)– Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay qeyb kayihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Aminiga Qarank, Gaashaandhigga iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Garoonka Kaxnabaareey ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka, Ahlu Sunna iyo daweynaha Magaalada oo si farxad leh ugu soo dhaweeyay Ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Markii Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ay soo dageen ayaa waxa loo soo galbiyay Magaalada waxaana hada soconaysa qudbado ay Mas’uuliyiinta dowladda u jeedinayaan dadka Dhuusamareeb oo isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Magalada oo ku hoyaal Dhismaha Bangiga.

Amaanka Garoonka Dhuusamareeb ayaa waxa aad u xaqiijinayay Ciidamada Ethiopia iyadoo horay shalay labada dhinac ee Magaalada ay fariisimo ka sameysteen Ciidamada AMIOSM gaar ahaan kuwa Jabuuti.

SDN-Dhuusamareeb 

Comments are closed