Gudida Dhismaha Wadad 150ka ee Hargaysa oo Bulshada uga digay inay ku soo xadgudbaan Jidkaas oo dhismihiisu Wejigii labaad galay
Hargaysa 28.Feb (SDN) Af-hayeenka Gudiga Dhismaha Wadada boqol iyo kontonka ee magaalada Hargeysa Mr, Cabdillahi Baaruud Cige, ayaa ugu baaqay dadka hareeraha kaga soo durkay Jidka Boqol iyo konton inay dib uga noqdaan jidka, waxaanuu xusay in aan cidina laga yeeli doonin inay Wadadaas oo Wejigii labaad ee dhismaheedii bilaabmay ay ku soo durkaan.
Af-hayeenku waxa uu sheegay dhibaatada ay leedahay in jidadka hareeraha laga soo cidhiidhyo, taasi oo uu xusay in cidii baaqan iska dhego tirta in talaabo laga qaadi doono.
Jidkla Boqol iyo konton ee woqooyiga caasimada hargeysa mara ayaa maanta wejigii labaad ee dhismihiisa la bilaabay, Waxaanuu af-hayeenka Guddiga dhismaha jidka C/llahi Baaruud Cige, uu u soo jeediyey Golaha degaanka ee cusub in ay dhinacooda guddi ahaan diyaar u yihiin inay ula shaqeeyaan sidii Golihii iyaga ka horeeyay ay ula Shaqayn jireen,Isagoo intaa ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in sida u dhakhsiinyaha badan uu u dhamaan doono jidka oo dhismihiisu wejigii labaad galay.
Hargaysa SDN.