Hal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin (3aad/Dhammaad) W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)
Meelaha kale ee Faadumo Siciid iyo ururka ay Guddoomiyeha ka tahay ee ODHA (Organization for Development and Humanitarian Affairs) Kolka aan aqoontayda ku hal-tebinayana noqonaya Uruka Horumarinta iyo Hawlaha Bani Aadannimada oo la aasaasay hilaad noqonaysa 2009-kii ay hirgeliyeen waxa ka mid ah xarunta darbi-jiifka eek u taalla waaxda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa oo ay maal-gelinteeda ka qayb qaateen inta aan ogahay Shirkadaha DAHABSHIIL iyo TELESOM, dhulkana waxa bixiyay maayarkii hore Eng Jiciir.. Waxaana xaruntan la wareegay dawladda Somaliland gaar ahaana Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, dayactir waxa ay ku sameeyeen Xabsiga dhaqan-celinta ee Mijacaseeye, goobo dhallinyarada ku kulmaanna waa unkeen oo ay ku diyaar yihiin Kubadda Saladda (Basket Ball), jidh-dhiska, xarumo lagu barto aqoonta dadban, dalxiisyo iyo dal-barasho dhallinyarada loogu qaaday goobo ay ka mid yihiin Gebiley, Laasgeel, Sheekh, Berbera iyo meelo kale. iyo tartanno kala duwan oo ahaa orodka oo Hargeysa lagu qabtay, sidoo kalena dhallinyaro muwaadiniin ah ayuu ODHA u qaaday Jabuuti halkaas oo ay kaga qay galeen tartammo orod.
Faadumo Siciid oo aan weydiiyay xilliga ay ugu farxadda badnayd nolosheeda ayaa tilmaantay in xilliyada wanaag ee soo maray ay ka mid ahaayeen xorowgii Soomaaliland oo ay ku tilmaantay farxad mug leh oo loo ooyo iyo dhalashadii wiilkeeda curad. Gooraha ay ugu darnaydna waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee markii uu geeriyooday aabbeheed Siciid Ibraahin oo ku xijaabtay Landhan iyadoo Hargeysa ku sugnaa, xilli la joogtay Jabuuti oo ay raadinaysay Dawladdii Soomaaliya iyo mar ay safar ku tagtay Muqdisho oo ay ka mid ahayd dadkii ay xukuumaddii Siyaad Barre ku qortay dilka iyada oo doonaysa inay ka soo kaxayso saygeeda oo halkaa joogay, Allena waa ka samata bixiyay. Waa amin yar kahor intii aanu dhicin Xasuuqii xeebta Jaziira ee lagu gummaaday bulsho rayid ah oo Somaliland ka soo jeeday.
Rejooyinka u waaweyn ee ay Faadumo Siciid ay u filayso Somaliland oo dhawr ah waxa ay kala yihiin 1.In la sii wado halganka loogu jiro aqoonsiga waddanka si calankiisa, sharcigiisa iyo dal-ku-galkiisuba u noqdaan kuwo la mid ah dawladaha kale ee caalamka
2.In la sii adkeeyo nabadgelyada qaranka si aan dawladnimadu u lumin looguna noqon xaaladihii adkaa ee aynu ka soo gudubnay
3.In dhallinyarada Somaliland ku kalsoonaadaan dalkooda, niyaddana ka saaraan suudalka lagu le’day ee ay barbaartu ku qudh-baxeen, iyadoo ku dardaartay inaanay hillaaca dalalka kale ee caalamka eegin.
Shakhsi waxa ay rejadeeda iyo ducadeeda u weyn ku tilmaantay in Alle u barakeeyo caafimaadka, carruurta iyo camalka iyada iyo ummaddaba. Wareysiga kolkii aan la yeeshay oo ahayd dabayaaqadii gu’ga 2011-ka Faadumo Siciid ma ay go’aansan inay siyaasadda gasho. Laakiin hadda waa masuuliyiinta sare iyo Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga UCID iyada oo kaalin baaxad leh ka qaadatay ololihii doorashada dawladaha hoose ee qabsoontay 28/Nofember ee Hirgelisay in UCID mar labaad ka mid noqdo saddexda Xisbi Qaran… Iyada oo safarro ku martay dalal ku yaalla qaaradda Yurub, Gobollada Somaliland iyo geyiyo kale. Iyada oo UCID yahay Xisbiga ugu facaweyn Somaliland, maadaama oo uu siyaasadda saaxaddeeda ka baxay UDUB oo ahaa kii koowaad ee dalku yeesho, kana da’ weynaa UCID muddo bil ah. Malaha haddii siyaasadda la galo hanku waa kordhaaye, waynu dhawri damaca siyaasadeed ee Faadumo Siciid oo aan filayo inuu kaalin ka sii sarreysa jagada ay hadda hayso.
Ma illaawi karo in Faadumo Siciid ka mid noqotay boqolkii qof ee ku soo baxay barnaamijkii qaran ee Qiimee Qofkaaga, gaar ahaana qaybta Samafalka oo ay si cad ugu astaysan tahay. Kaas oo loogu aqoonsaday Hal-door. Barnaamijkaa waxa fuliyeyay Somaliland National Evaluation Center oo uu Rashiid Sulub Caalin madax u yahay. Aniguse illaa 2011-ka ayaan u aqoonsanaa inay Hal-door.
Inta aan ka aqaanno waa qof codkar ah, dhaqan wanaagsan, ballanta ilaalisa, taageerta dhallinyarada iyo cidda gacan-qabad weydiisa, dhuuxeedana ay ku ladhan tahay daljirnimo iyo waddaniyadda Somaliland. Fagaareyaal badan oo aannu isugu nimi iyo qaar aan saxaafadda ka arkay oo aan xogtooda xusi karaa way jiraan ee xilli kale ayaan u dhiganayaa aniga oo Sooyaalkeeda ku dari doona dhiganeyaal aan timaaddada daabacayo haddii Alle idmo. Intaas ayaan ku af-meerayaa qormooyinkii ciwaankoodu ahaa Hal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin… Waxa aan mahad-naq baaxad leh u jeedinayaa saxaafadda baahisay qoraalladan, inta igu hambalyaysay qormooyinkan oo badan, inta akhristay iyo inta jeclayd inay bogaadiso ee aan waayuhu na kulmin.
Dhammaad
Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair