Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Wadanka Jarmalka kula kulmay Maalgashadayaal Caalami ah
Berlin 27.Feb (SDN) Wasiirka arimaha dibada Somaliland,Dr Mohamed Abdilahi Omer oo martiqaad rasmiya ka helay dawlada jarmalka,ayaa waxa uu maanta la kulmay,deeq bixiyayaal jarmala iyo shirkado waawayn oo aad u danaynaya inay somaliland maal gashadaan.
Waxa kale oo uu wasiirku la kulmay baarlamanka jarmalka,ee loo yaqaan (Bundes Tag) kana kala socday xisbiyada talada haya ee CDU iyo CSU qaybta u qaabilsan arimaha dibada,
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi waxa uu halkaa ka jeediyay qudbad dheer oo qaadatay,2 saacadood isagoo si buuxda uga dhaadhiciyay dawlada jarmalka marxaladihii kala duwanaa ee ay somaliland soo martay iyo waliba horumarka somaliland ku talaabsatay,Waxaa kale oo uu Tilmaamay in Somaliland ay soo dhawaynayso Maalgashi kala Duwan.
Warku wuxuu Intaas ku darayaa in Wasiirka Maalinta beri ah ay Marti qaad u fidisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Jarmalka .
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Wadanka Jarmalka Mr Maxamed Xusein ayaa Shahaado Sharaf waxa uu gudoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibada .
Berlin SDN.