Wariyaasha Gobolka Galgaduud Oo Sameestay Urur Ay Ku Midaysanyihiin +(Sawirro)
Dhuusamareeb (SDN)– Warsaxaafadeed– Kadib munaasabad wayn oo ka dhacday Degmada Guriceel laguna dhisayay Ururka saxafiyiinta gobolka Galgaduud ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Maamulka Ahlu-sunna iyo kan Degmada iyo wariyaal kakala Socday Degmooyinka C.waaq, Dhuuso-mareeb, Guriceel IYO Cadaado.
Ururkaan oo lamagac baxay MEDIA ASSOCIATION OF GALGADUUD REGION OO LOSOO GAABIYO (MAGR) ayaa waxaa hogaanka Uruka loo doortay 5 xubnood oo kala ah.
1: GUDOOMIYAHA URURKA, C.FATAAX XASAN FAARAX
2:GUDOOMIYE KU XIGEEN, C.KARIIM AXMED BULXAN
3: XOGAHAYAHA: MAXAMED MAXAMUUD OW AADAN
4:MAALIYADA: BASHIIR MAXAMED SALAAD SANKA
5:AFHAYEENKA, AXMED CUMAR SHIIKH NUUR
Intaas kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Gobolka Galgaduud C.FATAAX XASAN FAARAX sheegay in hor usocd iyo isku xir wanaagsan ay sameyn donaan ayna ka codsanayaan qaybaha bulshada iyo maamuladaba in ay la shaqeeyaan.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Fulinta Ahlu-sunna Axmed il kacase iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Guriceel Cali Baashi Aaadam Diiriye oo iyana meesha xafladda ka hadlay ayaa sheegay in aad ay usoo dhaweynayaan Ururkan ayna ilaalinayaan xuquuqda saxaafada.
waxaa qadka uga qayb qaatay C.rashiid Deel oo ka tirsan URURKA saxafiyiinta NOSUJ sheegayna in ay soo dhawnayaan Ururka saxafiyiinta Gobolka Galgaduud.
Ururkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo wariyaasha Gobolka Galgaduud ay sameystaan xilli warbaahintuna ay kusoo badanayaan Gobolkaasi Galgaduud.
—-DHAMA–