Ciidamada Afghinistan oo qarax lagula eegtay Magaalada Kabul ee Caasimada dalkaasi
Kabul Feb 27 2013 (SDN)— Magaalada Kabul ee Xarunta dalka Afghanistan ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo uu fuliyay qof Naftii hure ah.
Saraakiil u hadashay dowlada Afghanistan ayaa waxay ku warameen in qof waxyaabaha qarxa iska soo buuxiyay uu weeraray Bus ciidamo qaadayey kaasi oo dad badan ay ku dhaawacmeen.
Sargaal u hadlay Booliska Magaalada Kabul ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay galbeedka Magaalada xarunta ah ee Kaabul markii Nin cagaha ku soo xirtay waxyaabo qarxa uu buska weeraray.
Sargaalka Boooliska kaabul uhadlay waxa uus heegayu inay qaraxaasi naftii huranimo uu sababay dhaawaca 6 qofood oo ciidamada Afgaanistaan ah iyo 7 ruux oo rayid ah.
Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo mida gaashaandhiga Afghanistan ayaa labaduba waxay wada jir u sheegeen in aysan jirin qaraxaasi dad ku dhintay.
Wariye ku suganaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa waxa uu u sheegay Wakaalada Wararka AP inuusan arkin muuqaalka qofkii is qarxiyay oo gabi ahaanba jirkiisa la waayey waxyeelada qaraxaasina aysan xadidneyn ilaa iminka.
SDN-Kabul