Al Shabaab oo laga saaray Magaalada Buurhakabo iyo Ciidamada dowladda oo hada ku sugan Magaaldaasi
Buurhakabo Feb 27 2013 (SDN)— Warar laga helayo Degmada Buurhakabo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya xalay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Al Shabaab.
Dad ku sugan Buurhakaba ayaa xaqiijiyay in Magaalada gudaheeda ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda islamarkaana Al Shabaab ay isaga baxeen Magaalada Buurhakaba isla xalay.
Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay Ciidama dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Buurhakabo ee gobolka Bay taasi oo ay ku sugnaayeen Al Shabaab.
Dhagabadan ayaa sheegay in wax iska caabin ah aysan kala kulmin Xarakada Al Shabaab markii ay lawareegayeen Magaaladaasi islamarkaana ay hada Amaankeeda Xaqiijinayaan.
Majiraan waxa war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo muddo dheer Magaaladaasi maamulayay.
SDN-Buurhakabo