|

Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo si rasmi ah u sheegay xiliga uu furmi doono shirka Maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo

Kismaayo Feb 27 2013 (SDN)— Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa uu shaaca ka qaaday Xilliga uu dhacayo shirka mararka badan dib u dhacay ee Maamul sameynta Jubooyinka.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in shirka Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo la qaban doono 28-ka Bishan oo Bari kubeegan waxana uu carabka ku adkeeyay in Shirka uu ka dhici doono Meel Amaan ah oo siweyn looga fiirsaday.

Afhayeenka Raaskambooni ayaa sidoo kale warfidiyeenka u sheegay in Ergadii shirka qeybgali laheyd ay soo dhameystiramayaan Maanta iyo bari waxaana uu tilmaamay in loobaahan yahay in laga qeyb qaato shirkaasi ku aadan ayaaha Labada Jubo iyo Gedo.

C/naasir Seeraar ma xusin in ay kaqeybgaliyaan shirkaasi furitaankiisa Mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo inkale laakiin dhawaan ayay ahaayd markii Wafdi uu hogaaminayaya wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ay gaareen Magaalada Kismaayo kuwaasi oo kulan waxa uu ku soo dhamaaday aan la aqoon la yeeshay Maamulka KMG ah ee Kismaayo kataliya.

SDN-Kismaayo

Comments are closed