Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Saacid oo meesha ka saaray in Madaxweynaha uu khilaaf kala dhaxeeyo
Muqdisho Feb 27 2013 (SDN)— Xilli maalmahan dambe la isla dhexmaraye inuu khilaaf ka dhextaagan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynaha ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlaye sababta uu safarada dalka dibadiisa ugu ambabixi la’yahay tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid mar uu ka hadlaye sababta uu safaro dalka dibadiisa ugu aadi la’yahay ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in marka uu tagayo caalamka uu u baahan yahay waxyaabo uu la hortago taasi oo macnaheeda uu yahay in howlaha gudaha Soomaaliya muhiimada uusiinayo kadibna dalka dibadiisa uu aadayo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in 22-sano kadib xaalada iminka uu marayo dalka Soomaaliya ay tahay midii ugu wanaagsaneyd marka loo eego dhanka ammaanka iyo horumarada dalka kajira.
Saacid ayaa si aad ah u ammaanay hanaanka Nabadda Soomaaliya iminka ay u talaabsatay isaga oo sheegay in ammaanka uusan iska imaan balse dadaal iyo juhdi badan la bixiyay.
Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Saacid Shirdoon ayaa doonaysa inay la timaado isbedel ka duwan Xukuumadihii soo maray dalka Soomaaliya ee KMG ahaa.