KHADAR AADAN ISMAACIIL,KHADAR KOODBUUR OO SAFAR UGU BAXAY DEGAANKA SOMALIDA ETHIOPIA MUXUU KU SAABSAN YAHAY?
London Feb 27,2013(SDN)-Waxa Safar gaaban ugu ambabaxay is maamulka Soomaalida Ethiopia, Khadar Aadan Ismaciil (Khadar Koodbuur) ayaa dhawaan ka Ambabaxay Dalka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London, Khadar oo ay boqolaad ka mid ah dadweynaha kasoo jeeda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay kusii sagootiyeen safarkiisa uu ugu ambabaxay dalka Ethiopia.Gagida diyaaradaha ee Heathrow Airport.
Khadar Aadan Ismaciil safarkan uu ugu ambabaxay Dalka Ethiopia gaar ahaan Ismaamulka Soomaalidu waxa uu ku taxaluqaa soo indho-indheyn xaaladda guud ee ka jirta iyo ka qaybqaadashada horumarka dalka ka socda oo maalinba maalinta ka danbeysa kasii kordhaaya. Waxa uu dhinac kale u kuur galayaa sidii dadka kasoo jeeda degaanka ee qurbaha ku nool ay u sameyn lahaayeen maalgashi iyo dadka kale uga faa’ideystaan,waxaanu noqonayaa horumar aad u balaadhan oo ay sameyn donaan dadka qurbaha ku nool oo aad u danaynaaya.
Dhinaca kale waxa ka socda horumar xaga waxbarashada oo ay ku yalaan jaamacado aad u heer sareeya oo dhamaan dadka kale oo Somalia ku nool ay ka faa’ideystaan waxna ka bartaan, Waxa kale oo Khadar oo kasoo jeeda degaanka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan Faa’fan,Jig-Jiga, Xarshin iyo meelo kale oo ka mid ah degaanka Soomaalida in uu si gaara wax uga soo ogaado,
Khadar Aadan Ismaciil (Khadar Koodbuur) waa nin dhalinyaro ah kana soo jeeda degaanka Somalida Ethiopia waxa dadka Somalida ah ee degaanka degan ee gudaha jooga iyo kuwa qurbaha kunoolba kula talinayaa inay iska ilaaliyaan waxyaalaha dhibaatada u keenaaya horumarka dalka kuna dedalaan inay la jaan-qadaan horumarka uu gobolku ku talaabsaday ee dhinacwalba leh. Khadar waa nin ay dadku isugu mid yihiin,Sumcadna ku leh dadka dhexdiisa kuna dedaalaaya in dadka degaanka degani ay walaaloobaan oo muujiyaan wax wada qabsi si uu degaanku u gaadho himilada uu hiigsanaayo.
Isku soo wada duboo degaanka Soomaalida Ethiopia waxa uu intii dhawaane sameeyey horumar aad u balaadhan oo dhinacyo badan taabanaaya,waxa aad arkaysaa waftiyo ka imanaaya degaanka Soomaalida Ethiopia oo soo gaadhaaya dalalkan reer Galbeedka, taasi waxay ku tusaysaa sida dalku uu u fur-furmay doonayana in uu xidhiidh wacan la sameeyo dadka qurbaha ku nool ee degaanka kasoo jeeda iyo xidhiidhka Caalamiga ahba.
Fiiro Gaara…Insha Allah marka Khadar uu soo noqdo waxa aan idiin soo gudbin donaa bal waxa uu degaanka kusoo arkay iyo sida looga faa’ideysan karo.
qurbejoog.com
London uk