|

Waraysiyaddii Jamaal Cali Xuseen iyo Qudbaddii Minnesota

Waxaan aad u dhuuxay waraysiyaddii taarikhiga ahaa ee laga qaaday mudane Jamaal Cali Xuseen, musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID, iyo qudbad taarikhiya oo uu mudane Jamaal ka jeediyey gobolka Minnesota Sabtiddii dhoweyd halkaasi oo ay ka soo qayb galeen madaxda Congresska iyo Senateka ee xisbiga Jamhuuriga ah ee gobolkan laga soo doorto iyo reer Somaliland.
Runtii waxaan go’aansaday in la taageero musharax Jamaal Cali Xuseen iyo xisbiga UCID doorkani. Sababtuna waxa weeye iyaddoo ay Somaliland doorkan heshay muwaadin runtii leh waaya aragnimo caalamiya, Aqoonyahan ah, oo weliba waddanka uga yimid shaqo caalami ah oo aanay baahiyi u keenin inuu waddankii ku soo noqdo.
Waraysiyadiisii iyo qudbadiisiiba waxaa iiga iftiimay in markani xilka lagu eego qof aqoontan oo kale leh oo aan shaqo inaga dooneynin. Waxaan aad uga helay sida cilmiyeeysan, afahanimadda ku jirtay ee uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey.
Nimanka la tartamaaya weynu soo aragnay kuligood oo horaa loo tijaabiyey laakiin oo weynu aragnaa halka uu dalkeenii maraayo. Jamaal markaad hadalkiisa maqashid wuxuu kuu muujinayaa nin ka iibin karaya caalamka qadiyadda Somaliland, waa nin wax ku soo bartay Jaamacadda Harvard University ee dalka Maraykanka oo madaxweynayaasha Maraykanka sida Obama oo kale ay ka soo baxaan.
Waa shakhsi 20 sanadood dhaqaalaha dunida kuwa horumaray iyo kuwa Africa labadaba ka soo shaqeeyay. Waa qof muujiyey in uu karti u leeyahay inuu heer caalami ah shaqadiisa ka gaadho oo waa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee Bank weyn oo Maraykan ah madax sare uga noqda waddamo kale.
Qofku hadduu Gaaladdii adduunka la soo ceeshay garanayana sida wax looga soo dhacsado; waxa la soo gaadhay xilligii aynu dooran lahayn dadka waaya-aragnimadda caalamka yaqaana. Mida kale waa nin dhaqanka iyo suugaanta Soomalida aad ugu dhex jira; dhalinyaraduna ay jeceshahay.
Waxaa qudbadiisii ka muuqatay aqoon qoto dheer oo uu u lahaa dalkeenii arrimaha bulshadda iyo dhaqaalaha, arrimaha gudaha iyo dibaddaba. Aniga qudbadiisii Minnesota aad bay ii qancisay. Waar yeeynaan qalad uun ku jirine aynu doorano dadka inoo hiilinaya. Somaliland markan ayeey Obama heedii heshay; Ilaahay ha ku guuleeyo.
Ali Abdi jama
Minnesota, USA

Comments are closed