Shirkadaha Korontada ee Hargaysa oo Kordhiyay Qiimaha Laydhka Boqolkiiba 20%.
Hargaysa 26.Feb (SDN) Shirkadaha ku bahoobay Iskaashiga Korontada Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Hargaysa waxay ku soo dhaweeyeen Talaabadii Xukuumadu ay dib ugu celisay Maraakiib siday Shiidaal Dhacay waxaa kale oo ay ka hadleen Kor u kac ku Yimid Qiimaha Shiidaalka .
Afhayeenka Shirkadaha Korontada Cabdi Cali Barkhad oo halkaasi ka hadlay ayaa Tilmaamay in Shirkadaha Wadanka keena Shiidaalku ay Mudo laba todobaad Gudahooda ah ku Kordhiyeen Qiime dhan Kow iyo Labaatan Dollar,waxa uu Afhayeenkani Xusay in arrintaasi ay Culays Xoogan ku soo kordhisay Shirkadaha ka hawl gala dhinaca laydhka ee Caasimada.
Cabdi Cali Barkhadle waxa uu ku dooday in iyaga oo ka duulaya Korodhka Xoogan ee Qiimaha Shiidaalka ay Go’aansadeen in iyaga oo u tudhaya sida uu Sheegay Shacabkooda ay Boqolkiiba Labaatan ku kordhiyeen Qiimihii ay ku bixin jireen Laydhka,isagoo intaas ku daray in talaabadani ay ku eegtahay tan iyo inta xal loo helayo qiimaha Shiidaalka.
Afhayeenka Shirkadaha Laydhku waxa uu ugu baaqay Xukuumada,Ganacsatada Shiidaalka soo dejisa inay si Wada jir ah ugu hawl galaans Sidii qiimaha Shiidaalka Hoos loogu dhigi lahaa Maadaama uu ka mid noqday daruuriyaadkii nolosha.
Hargaysa SDN.