|

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tababar maanta looga furay Magaalada Muqdisho

Muqdisho Feb 26 2013 (SDN)– Tababarkani oo si wadajir ay u fulinayaan Hay,ada Bangaraafta iyo saraakiil sare oo kasocday ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ahaa mid loogu talo galay in lagu kordhiyo garaadka iyo aqoonta saraakiisha ciidamada xooga dalka oo loogu talo galay inay ka qeyb qaataan inkabadan 120 sarkaal oo kamid ah ciidamada xooga dalka.

Halka uu ka furmayay tababarka ayaa waxaa goobjoog ka,ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka C/Qaadir Sheekh Cali Diini abaanduulayaal iyo saraakiil sar sare oo ka kala socday xooga dalka iyo AMISOM.Maalmaha uu soconayo tababarka ayaa saraakiisha AMISOM ee casharada bixinaya waxa ay sheegaan in lagu baranayo xeerarka dagaalka qaabka loo howlgaliyo ciidamada iyo heerka caalamiga ah ee Bini’aadanimada sida uu sharaxayo sarkaal kamid ah AMISOM oo qeyb ka bixinayey casharadaas.

Taliyaha ciidamada xooga dalka General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa dhankiisa saraakiisha ku booriyay inay ka faaii’deystaan tababarka oo sida uu sheegay muhiim u ah ciidamada isaga oo dhinaca kalena dib u milicsaday doorkii ciidamada xooga xiligii barisamaadkii.

Inta uusan dhicin burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya dalku waxa uu lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo dhinac waliba ka dhisan , waxaana saraakiisha Soomaaliya ay tababaro siin jireen ciidamada qaar kamid ah dalalka qaarada Africa.

Comments are closed