|

Midowga Yurub oo dad lagu tuhunsanyahay Burcad badeed ku wareejiyay Jasiirada Seychelles

Brussels Feb 26 2013 (SDN)— Ciidamada Badda ee ka socda dalka Netharland ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xukuumada Seychelles,waxay ku wareejisay sagaal ruux oo burcad badeeda Soomaali ah,kuwaasi oo la sheegay in dalkaasi lagu Maxkamadeynayo.

Kooxahan burcad badeeda Soomaalida ee sagaalka ruux gaaraya ayaa 19-kii bishan laga qabtay meel 120-mile u jirta xeebaha Soomaaliya,waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ka socda dowlada Netharland ee xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka waxa loogu yeero Burcad badeeda Soomaalida.

Xilligaasi waxii ka danbeeyay waxa lagu hayay tuhmunayaasha markab dushiisa,iyadoona loo gacan galiyay xukuumada Seychelles si halkaasi Maxkamad loogu soo taago.

Dowladaha Spain iyo Dutchka ayaa ka codsaday xukuumada Seychelles in wadankeeda ku maxkamadeyso sagaalkaan ruux ee lagu eedeeynayo burcad badeednimo,kuwaasi oo gacanta lagu dhigay xilli ay ka qowleysanayeen xeebaha Soomaaliya islamarkaana doonayay inay afduubtaan Markab.

Sarkaal u hadlay ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in arintaan gacan u gelinta xukuumada Seychelles burcad badeeda Soomaalida ay tahay guulihii ugu danbeeyay ay ka gaareen xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan ay kula dagaalamayaan burcad badeeda Soomaalida.

Hayeeshee xeebaha Soomaaliya waxaa ka soconaya howlgalo garwadeen ay ka yihiin wadamada Midowga Yurub,kuwaasi oo looga soo horjeedo burcad badeeda Soomaalida.

SDN-Brussels

Comments are closed