Puntlanad oo daboolka ka qaaday in 50-ruux loohayo dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey
Garoowe Feb 26 2013 (SDN)— Madaxweynaha Maamul goboledka Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan dad badan oo Ajaanib ay ku jiraan kuwaasi oo uu sheegay in ay ku lugleeyihiin dilkii loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey.
C/raxamaan Faroole ayaa tilmaamay in ay gacanta ku hayaan 2-ruux oo Ajaanib ah kuwaasi oo uu xusay in ay ku leeyihiin dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey iyo qaraxii ka dhacay dhawaan Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in la hayo 50-ruux oo la tuhun sanyahay in ay ku lug lahaayeen dilkii loogeystay Sheekh C/qaadir Gacamey oo ka tirsanaa Culamada ugu Caansan Soomaaliya.
Faroole ayaa carabka ku adkeeyay in dadkan lagu soo qab qabtay howlgallo kala duwan islamarkaana ay sii socon doonaan howlgaladaasi oo kale oo lagu soo qaban doono sida uu hadlka u dhigay dadka kiiskan iyo kiisakalaba ku lug leh.
Dhanka kale Faroole aya ku baaqay in la siiwado dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab oo uu tilmaamay in qeyba badan oo kamid ah ay gaareen deegaanada Maamulka Puntland.
C/raxmaana Faroole ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu bixiyay.
SDN-Garoowe