|

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo ku wajahan Magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay

Buurhakaba Feb 26 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Bay iyo Sh/hoose kaddib howlgallo dagaal oo ay shalay sameeyeen.

Ciidamada dowaladda oo garab milatari ka helaya ayaa shalay la wareegay deegaanka Jameeco oo ka tirsan gobolka Sh/hoose waxaana la sheegay in wax iska caabin ah aysan kala kulmi Maleeshiyaadkii Al Shabaab ee ku suganaa halkaasi.

Dhanka kale Ciidamad dowladda iyo AMISOM ayaa lawareegay deegaano ka tirsan gobolka Bay kuwaasi oo hoostaga Magaalada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo AMISOM ay hada ka go’antahay sidii Al Shabaab gacantooda looga saari lahaa Magaalada Buurhakaba oo ka mid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee ku harsan gacanta Al Shabaab.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Bay ayaa sheegaya in Magaalada ay u dhawyihin waxana ay tilmaamayaan in Al Shabaab ay isaga baxeen halkaasi.

Dadka ku sugan Buurhakaba ayaa sheegaya in ay cabsi badan ka qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi laakiin waxa ay tilmaamayaan in Al shabaab dhaq dhaqaaqyo badan ay wadaan oo ku aadan ka bixitanka Magaaladaasi.

SDN-Buurhakaba

Comments are closed