|

Nin Soomaali ah oo Dacwad ku soo oogay La’aanta Socdaalka Britain(qiso la yaab leh)

London Feb 26,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo sugaya in dalka Britain laga mustaafuriyo ayaa dacwad la yaab leh oo ka dhan ah la’aanta socdaalka u guddbiyay maxkamad London ku taal.

Ninkan oo hore denbiyo ay ka mid yihiin Dhac iyo qafaalsho loogu helay ayaa haatan waxa uu ku dacwiyeyaa in dawlada Britain ay maskixiyan wax yeeshay ka dib kolkii la goaansaday in dalkiisii hooyo lagu celiyo.

Dawlada Britain ayuu Cabdiraxmaan Cajab ku eedeeyay in ay xabsiga dhigtay mudo 8 bilooda ka dibna ay doontay in ay dalka ka saarto.

Cabdiraxmaan waxa kale oo uu sheegay in uu doonayo in magdhaw ahaan loo siiyo Aduun dhan 50,000 oo bound si uu nolol cusub uga bilaabl Soomaaliya.

La’aanta Socdaalka Britain ayaaney u suurto gelin in ay ninkan Soomaaliya ku celiso bacdamaa ay tilaabadaasi khatar gelineyso nolosha ninkaasi.

Cabdiraxmaan Cajab oo 30 jir ah ayaa haatan ku nool aqal kiradiisa ay bixiso dawlada Britain inta xaalkiisu dhan u dhacayo.

Dalabka lacageed ee ninkan denbiyada badan hore u galay ayaa ahaa ka ugu hadal heynta badan saxaafada iyo shacabka Briain.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed