|

John Kerry oo Booqashadiisii u horeysay London ku Tegey

London Feb 25,2013 (SDN) Wasiirka Arimaha debada ee dalka Mareykanka “Joon Keerii’’ ayaa socdaalkii sii u horeeyey ku gaadhay  Caasimada London ee dalka Ingriiska.

Safarka Wasiirka ayaa waxa uu qayb ka yahay booqashooyin uu ku marayo muddo toban maalmood ah wadamada ay ka mid yihiin Faransiiska, Turkiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Sucuudi Carabiya iyo magaalada Baarliin oo uu kulan kula yeelanayo xubno ka tirsan mucaaridka dalka Suuriya iyo wakiilo ka socda wadamada taageera.

Isaga oo isla markaana magaalada Baarliin kula kulmi doono dhigiisa dalka Ruushka ‘’Seergee Laafaroof’’, iyada oo xilligan dawladda Mareykanku ku dedaalaysa sidii Ruushku uu ugu taageeri lahaa in madaxweynaha Suuriya lagu qanciyo inuu ka dago kursiga.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed