|

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Syria oo Booqanaya dalka Ruushka

Moscow Feb 25,2013(SDN)-Wasiirka arimaha debada ee dalka Suuriya ‘’Waliid Al Mucalim’’ ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay caasimada Moosko ee dalka Ruushka, halkaas oo uu wada xaajood kula yeelanayo dhigiisa dalkaas ‘’Seergee Laafaroof’’.

Labada Wasiir ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan mashaqada ka taagan dalka Suuriya sidii loo sugi lahaa ammaanka muwaadiniinta ruushka iyo Hay’adaha diblomaasiyadeed ee Ruushku ku leeyahay Suuriya

War ka soo baxay Wasaaradda arimaha debada ee dalka Ruushka ayaa lagu caddeeyey in mudnaanta kowaad ee wada hadalka labada Wasiir ee ruushka iyo suuriya ay siinayaan sidii Suuriya ay uga saacidi lahayd nabadgelyada muwaadiniinta Ruushka ee dalkaas ku sugan iyo safaaradda ruushka ee caasimada Dimishiq ku taala, Wasiirka arimaha debada ee dalka suuriya ‘’Waliid Almucalim’’ ayaa booqashadiisa Moosko uga sii gudbi doona dhinaca dalka Iiraan halkaas oo uu kula kulmi doono Wasiirka arimaha debada ee Iiraan ‘’Cali Akbar Saalixi’’    

SDN-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed