|

Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo Dhakhaatiir iyo Kal Kaaliyayaal u kala dirtay Gobolada dalka(DHEGEYSO KHUDBADIHII MASUULIYIIN HALKAA KA HADLAY)

Hargaysa 25.Feb (SDN)     Kulan  ay ka soo qayb galeen wasiirada xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir, Qorshaynta Dr, Sacad cali shire,Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xanaanada  xoolaha iyo kaluumaysiga  iyo masuuliyiin kale, laguna  ambabixinayey kow iyo konton xubnood oo isugu jira Dhakhaatiir iyo kal-kaaliyayaal ka  tirsan wasaarada xanaanada xoolaha ,oo ka hawlgalaya caafimaadka xoolaha ee gobolada iyo degmooyinka dalka ayaamaantalagu qabtay huteel xaraf  ee magaalada hargeysa.

Wasiirka xanaanada xoolaha  JSland  Dr,Cabdi Aw Daahir, oo kulankaasi ka hadlay  ayaa  waxa uu  sheegay in dhakhaatiirtan iyo kalkaaliyayaashan   ay isugu jiraan laba qaybood,kuwaasi oo qaybi ay yihiin dhakhaatiir soo bartay culuunta caafimaadinta hilibka , waxaanuu wasiirku  xusay in qaybtan loo dirayo Gobolada dalka oo ay ka howl-geli doonaan  goobaha hilibka.

Halka qaybta labaadna  loo kala diri doono degmooyinka dalka  kana howl-geli doonaan  ayuu yidhi wasiirku xanaanaynta xoolaha. Waxaanuu wasiirku intaa ku daray   inuu jiro xeerka Hilibka oo Golaha  wakiiladu  ay ansixiyeen madaxweynuhuna uu  saxeexay oo  loo qaybin  doono dhakhaatiirta baxaysa si xeer-kaasi loo dhaqan geliyo ,kulankan qabashiidasna  ay qayb ka tahay sidii sharcigaa loo  fulin lahaa.

Waxa kale oo isna halkaa kahadlay Wasiirka Qorshaynta Mud, Sacad Cali Shire,waxaanuu sheegay in dalkeenu leeyahay khayraad badan, hase ahaatee aan  khayraadkaasi laga wada faa’iidaysan, balse  laga faa’iidaysto xligan  Beeraha iyo Xoolaha  Nool oo aynu Iyaga  aad ugu faa’iidaysano oo nolosheeno dhamiba ku tiirsan tahay.sidaasi darteed waxa  waajib ah inaynu ka shaqayn daryeelka  xoolaha nool.Waxa kale oo ka hadlay Madaxa S/Land ee FAO Maxamed Jamac Gahayr,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa C/casiis Maxamed Xaashi. Kuwaasi oo dhamaantoodba ka hadlay  si ay muuhimka u tahay howsha  ay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaashu u baxayaan.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dhakhaatiir.mp3″]

Hargaysa SDN.

Comments are closed