|

Ururka Haweenka Qaranka ee NOW oo Shirweynahoodii soo Gabo gabeeyay kuna doortay Mar kale Gudoomiyahoodii Hore iyo Ku xigeenkeedii

Hargaysa 25.Feb (SDN)    Shirweynihii Ururka Haweenka Qaranka ee Now ayaa galabta lagu soo gabo gabeeyay Hoolka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ee  Magaalada Hargaysa iyadoo mar kale  dib loogu doortay hogaankii hore ee Ururka Now.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa tilmaantay doorka Ururka Now ay kaga Jiraan dhismaha qaranka waxaanay ku boorisay Murashixiinta  Ururka Now inay isugu hambalyeeyaan Cida ku guulaysata Hogaaminta Ururka.

Shirkan ayaa gabo gabadiisii Waxay ergooyinkii ka qayb galay Mar labaad Cod aqlabiyad ah ugu doorteen Gudoomiyihii hore ee Ururka Now Marwo Xaliimo Xaaji Cabdi halka Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Ururka Now dib loogu doortay Marwo Sahra Cali .

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo Gunaanadkii Munaasibad Shirwaynaha Ururka Now ka hadashay ayaa u soo jeedisay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now iyo Ku xigeenkeeduba inay si siman ula dhaqmaan Cidii u Codaysay iyo Kuwii aan u codaynba .

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee Now Marwo Xaliimo Xaaji Cabdi iyo Ku xigeenkeeda Marwo Sahra Cali ayaa madashii Shirweynaha ka balanqaaday inay si daacadnimo ah u gudan doonaan Mas’uuliyada ay dusha ku qaadeen iyagoo ka dalbaday Xubnaha kale ee Ururku inay gacan ku Siiyaan Gudashada Waajibaadka loo igmaday.

Hargaysa SDN.

 

 

Comments are closed