|

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Deeq Timir ah ka Gudoomay Maayarka Magaalada Gebilay

Hargaysa 25.Feb (SDN)    Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Saareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa maanta ka gudoomay Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse Deeq Timir ah oo loogu talo galay Ciidamada Qaranka.

Deeqdan oo dhamayd Shan Boqol oo Tanakadood waxaa Munaasibada Gudoonsiinteeda ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan  C.raxmaan Suldaan C.laahi oo Bulshada ka dalbaday inay Xil iska saaraan Taakulaynta iyo Taageerida Ciidamada Qaranka,Waxaanu Sheegay Suldaanku In Shacabka Gobolka Gebilay ay diyaar u Yihiin wax kasta oo kaga soo beegma danaha qaranka .

Maayarka Magaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse ayaa Sheegay in deeqdani ay tahay mid kooban,oo aan ku filayn Sida uu Xusay baahida Ciidanka,Waxa uu Maayarku Intaas ku daray inay uga dan leeyihiin sidii ay Bulshada u dareensiin lahaayeen Taageerida Ciidamada Qaranka ee ku Sugan Jiidaha Xuduudaha Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Saareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqale,oo hadal kooban ka jeediyay Gudoonsiinta Deeqdan ayaa uga mahadceliyay Maayarka Magaalada Gebilay iyo Shacabka ku nool Gobolkaasi taageerada Muuqata ee ay la barbar joogaan Ciiidanka qaranka,taas oo laga dheehenayo ayuu  Yidhi Shucuur Wadaniyadeed .

Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale waxa uu hambalyo u diray Ciidamada  Qaranka Meel kasta oo ay kaga sugan yihiin Wadanka.

Hargaysa SDN.

Comments are closed