|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay hawl wadeeno ka baxay Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada iyo Furitaanka Kulan lagu darsayo qorshaha 5 Sano ee H.I.V

Hargaysa 25.Feb (SDN)  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane ‘’Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici’ ayaa maanta Todoba iyo sideetan xubnood oo ka qalin jabiyey Machadka shaqaalaha Dawlada  shahaadooyin ku gudoonsiiyey Hoteel maansoor ee Magaaladda hargeysa, isla markaana halkaas kulan hawleed ugu furay sodon xubnood oo ka kala socday shaqaalaha Komishanka Qaran ee ka hortaga Xanuunka Aydhiska iyo Hay’adaha xidhiidhka wada shaqaynayd ay leeyihiin.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka Wasiirada Arimaha gudaha,  Maaliyada, shaqada iyo arimaha bulshada, iyo gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha, ayaa ugu horeyn waxa halkan ka hadlay gudoomiyaha Machadka shaqaalaha dawlada Mudane Maxamed Mixile Boqore, kaas oo faahfaahin ka bixiyey ardayda ka qalin jabisay xiligan machadka, kuwaas oo uu ku sheegay Todoba iyo sideetan arday, kuwaas oo Todoba iyo sodan ka mida ay qaadanayaan shahaadada Digreega, waxaana uu ku Aamaanay ardaydaas dedaalkoodii waqtiga waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Mudane Cabdi casiis Maxamed Samaale, ayaa isna madashaa ka balan qaaday in Wasaarad ahaan ka gacan siinayaan machadka wixii baahiya ee dhinacooda kaga yimaada, waxana uu sheegay in ay qayb ka yihiin shaqaalaha Wasaaradiisu ardayda  qalin jabinaysa.

Gebagebadii Madaxweyne-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil, ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo shaqaalaha dawlada ee dhamaystay waxbarashada ay kor ugu qaadayaan aqoontooda, iyagoo shaqadooda ku guda jira isaga oo tilmaamay in aqoontu tahay tan horumarka lagu gaadho, waxana uu tilmaamay in aqoontaas ay barteen uu rajanayo in Wasaaradihii iyo hay’adihii ay ka yimaadeen ay kula noqon doonaan kuna tayey doonaan waxqabadkooda.

Dhinaca kale Madaxweyne xigeenku wuxuu isla maanta Hoteelka Maansoor uga furay kulan hawleed Sodon xubnood oo ka kala socday Komishanka Qaran ee ka hortaga  xanuunka Aydhiska,iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin kaas oo ku saabsanaa qiimeynta qorshaha komishanka ee shanta sano ee soo socota.

Gudoomiyaha Komishanka heer  Qaran Aydhiska Mudane Maxamed Daahir, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in kulankan lagu falanqayn doono dhamaystirka qorshihii hore ee shaqo iyo sidii qorshe cusub loogu dejin lahaa  Habkii xidhiidhka wada shaqaynayd ee heer qaran.

Madaxweyne xigeenku waxa uu furitaankii kulankankaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey barnaamijkan lagu dejinayo qorshaha wax ka qabadka Aafada xanuunka Aydhiska, waxna uu xusay in Mas’uuliyad guud bulshada ka wada saran tahay.

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed