Deg Deg: Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo heer wasiiro ah oo u anbabaxay Kismaayo
Muqdisho Feb 25 2013 (SDN)— Wafdigaan oo heer wasiiro ah ayaa waxay goor dhaw ka ambabaxeen magaalada Muqdisho garoonka diyaaradaha Adan Cade airport.
Wafdiga lama shaacin xilalka ay hayaan iyo magacyadooda waxaase wararka aan helayno ay sheegayaan in Wasiirka Arimaha gudaha uu horkacayo wafdigaasi.
Waxaa la sheegay inay wafdigaasi usocdaan sidii ay usoo kala dhex dhexaadin lahaayeen maleeshiyaadkii ku dagaalamay dhawaan magaalada Kismaayo.
Ma cada mawqifka uu noqon doono xubnahan dawlada kasocda iyo sida ay ugu guuleysan kara daminta xiisada dagaal ee ka jirta magaalada Kismaayo.
SDN-Muqdisho