|

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo sharaxay sababaha loo joojiyay Shidaalkii ka imaan jiray Yemen

Garoowe Feb 25 2013 (SDN)– Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxa uu ka hadlay muran ka taagnaa joojinta Shidaalkii ganacsatada Puntland ay kala imaan jireen dalka Yemen.

Faroole ayaa sheegay in sababta loo joojiyay Shidaalka ay tahay in laga hortago in Al-qaacidada Yemen ay soo galiso gudaha Puntland iyadoo kusoo dhuumanayso buu yiri doomaha lagu keeno shidaalka.“Waxaan ujoojinay shidaalka Al-qaacidada yemen ayaa kusoo dhuumanaya doomaha marka taasi ayaa keentay inaan joojino”Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Faroole.Madaxweynaha Puntland C/raxmaan shekh Maxamed ayaa sheegay in dad iyaga ka mid ah ay ka qeyb qaataan shirqoolada ay ka mid yihiin dilalka ee ka dhaca Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay isku dambi yihiin iyaga iyo Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ganacsatada Puntland ayaa qeylo dhaan ka muujiyay joojinta shidaalkii ay ka keensan jireen dalka Yemen, iyaga oo ku eedeeyay Maamulka Faroole in Shirkado gaar ah uu siiyay qandaraaska Shidaalka looga keenayo Yemen.

SDN-Garoowe

Comments are closed