Xukuumada Jabuuti oo ciidamo fara badan dhigtay degaanada Mucaaridku ku badan yihiin
Jabuti Feb 25,2013(SDN)-Wararka aanu ka heleyno degaanada Mucaaridku ku xooga badan yihiin ee Jamhuuriyada Jabuuti ayaa sheegaya in xukuumadu ay daadisay ciidamo farobadan oo xanibay isu socodkii.
Mucaaridka Jabuuti ayaa maanta qorsheynaya isu soo bax weyn oo looga soo horjeedo natiijadii Doorashooyinkii Baarlamaanka ee dalka Jimcihii ka dhacay.
Guddida Doorashooyinka Jabuuti oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka arrimaha guddaha ayaa sheegay in xisbiga talada dalka haya uu helay aqlibiyada kuraasida Baarlamaanka.
Mucaaridka oo qaadacay natiijadaa ayaa maanta doonayay in ay isu soobax ku muujiyaan diidmadooda.
Magaalada Bebela oo dhacda duleedka Caasimaada oo ah goob taageerada mucaaridku aad ugu badan tahay ayaa ciidamada ugu badan la geeyay xalay.
Waaga oo goor dhaweyto beryay awgeed ma cada sida xaal noqon doono,halkanse kala socda kolba wixii ku soo kordha xiisadan.
SDN-Jabuti
contact@somali