Banaanbax Ka Dhacay Downing Street Oo Laga Soo Horjeedo Xadhiga Nadra M.Jama
London24 Feb13(qurbejoog) Waxaa maanta ka dhacay magalada London Banaanbax aad iyo aad u balaadha oo ay ka soo qeyb galeen jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska ,Banaanbaxan ayaa lagu hor sameeyey Xafiiska Ra’ysal wasaaraha britishka David Camaron ee Downing Street dadkaasi oo muujinayey sida ay uga xun yihiin xadhiga lagula kacey marwo nadra mohamed jama oo maxkamada maroodijeed ku xukuntey 8 Bilood oo xadhiga ,kana codsadey re’ysal wasaraha dawlada britishka iyo xukuumadiisu in ay wax ka qabtaan cadalad xumada ka jirta Somaliland kana caawiyaan sidii xoriyadeeda loogu soo celin lahaa Nadra Mohamed Jama.
Banaanbaxan ka dhacay London waxaa ka dhex muuqdey Bulshada Qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada Haweenka,Siyaasiyiin iyo Waxgaradka bulshada Somaliland ee wadankan uk.kana codsadey dawlada Somaliland in Haweynaydaa si dhakhso ah loo sii daayo.
Dadkan oo aad u tiro badnaa ayaa waxaay ku dhawaaqayeen iyagoo sita boodhadh iyo sameecado aad u qeylo dheer in si degdeg ah loo sii daayo dhibanaha xidhan Nadra Mohamed Jama oo xukuumada Somaliland xidhey 8 Bilood iyo Bil ay ku jirtey jeelka hargeysa iyada soo sugeysa maxkamad .
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi oo ku eedeyey in haweenaydan(Nadra Mohamed Jama) in ay fariin caaya Telefoonka ugu soo dirtey ,Isaga oo sheegey in caydaasi ka baxsan tahay dhaqanka isaga oo aan sheegin waxaay caydaasi aheed maqal ama muuqaal.
Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in Xadhiga Nadra Mohamed Jama uu astaan u yahay cadaalad xumada ka jirta dawlada Somaliland iyo waliba ku takri falka awooda ee uu adeegsadey wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi.
Banaanbaxan oo ujeedadiisu ahayd Qurba jooga reer Somaliland ee uk sida ay uga xun yihiin xadhigaa lagula kacay muwadaniyadan Nadra mohamed jama iyo sida xukumadu ugu tacadidey haweenka iyo dadka da’da ah.
Banaanbaxan waxaa kale oo ku wehelinayey dadka somalilander ka 3 Hay’adood oo u dooda Xuquuqal Insaanka oo fadhigoodu yahay London,warqadna u dhiibey xafiiska raysal wasaraha ingiriska David Camaron,Kuna baaqey in la sii wado banaanbaxa lagaga soo hor jeedo cadalad xumada ka jirta Somaliland.
Somaliland waxay ku soo nabad iyo caanoba maashay tallo wadaag iyo wadatashi ku dhisan cadaalad iyo kala danbayn, hadaba inkasta oo Madxweyne Siilaanyo uu yahay Madaxweyne ay shacabka Somaliland si dimoqraadiyda ah u soo doorteen, hadana waxa muuqata in uu si badheedh ah ugu takri falay masuuliyaddii iyo maamuuskii sharafta lahaa ee qaranka iyo tiisii madaxtinimoba, ka dib markii uu si cad badheedh ah u faro geliyay hayadahii garsoorka ee dalka oo dhan isaga iyo wasiiradiisuta waxaay doonan sameeyan.
Hadaba, waxa wax laga khajilo oo karaamo dhac iyo lafo jab weyn ku ah dalka iyo dadka Somaliland iyo hogaankooda saraba ceebtan qaawan ee ay xukuumaddu ku tacadayey muwadiniyad dumar ah ka ficil qaataan.
Axmed Siilaanyow ogow inaad tahay madaxweynihii qaranka Somaliland, loona baahan yahay in ay adiga cadaaladdu kaa bilaabanto, shar iyo khayra ogow in wixii aad ka tagtaa ay diwaanka taariikhdaada kuu galayso. Horaana loo yidhi RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC .
Isku soo wada duubo dadweynaha maanta ka Banaanbaxayey waxaay kaa sugayaan in aad codsigooga tix galisid oo aad u naxarisatid Qofkaa Dumarka ah ee dhiban ,si dhakhso ahna aad xoriyadeedi ugu soo celisaan.
MOHAMED LUQMAN
Qurbejoog.com
London