|

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo dhagax dhigay Dhisme Fooq ah oo ay Yeelan doonto Wasaarada Xannaanada Xooluhu(DHEGEYSO)

Hargaysa 24.Feb (SDN)  Madaxweyne Ku xigeenka Jsl Md.C/Raxmaan Cabdilaahi Ismacil Saylici, ayaa Maanta Dhagax Dhigay Dhisme ka kooban Laba Dabaq oo Laga Hirgalinayo  X arunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Munaasibada Dhagax Dhigan oo ay ka soo qayb galeen,wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr.Cabdi Awdaahir Cali,Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Dr.Maxamed  axmed Cagaweyne iyo Shaqaalaha ka Hawlgala wasaaradaasi.

Wasiirka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay Waxyaabaha u Qabsoomay Wasaaradiisa,waxana uu sheegay inay ka Sameeyeen Gobolada iyo Degmooyinka  Dalka Hawlgalo Balaadhan oo isugu Jira Talaalka  iyo Daaweynta Xoolaha nool iyadoo Isla markaana laga Duulayo,Balanqaadyadii Xisbiga Talada haya ee Waqtigii Doorashada, ay Wasaaradu Ka hirgalisay Goboladadalka,Dhismayaal Loogu talo galay in lagu fuliyo Adeegyada Xoolaha Nool ee Dalka iyo Daryeelkooda Guud.

Madaxweyne ku xigeenka Jsl,Md.Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismacil [Saylici] oo isna Ka hadlay Munaasibada Dhigax dhigan ayaa Sheegay In dhismahan oo ka kooban Laba Dabaq aanay Jirin Cid wasaarada Ka caawisay Dhismihiisa  ay Wasaarada Xanaanada Xooluhu Fulinays.,Waxaana madaxweyne xigeenku ku dheeraaday dadaaalka xukuumadu ugu jirto kobcinta adeegyada waxsoo saarka waxaana bulshada uu u u Jeediyay inay kaalintooda ka qaataan dadaalka ee xukuumadu ku hormarinayso dalka.

“Maadaama oo Xafiisyadaa aynu ku soo jirnay mudadda 20 sano, ay ahaayeen xafiisyo gaboobay oo aynu dawladihii hore ka dhaxalnay Somaliland-na ay dawlad madax-banaan noqotay waxaanu go’aansanay in dalka dib u dhiskiisa la xoojiyo oo wasaarad walba xafiisyo cusub ay yeelato tan aynu maanta dhagax dhigaynaana Miisaaniyada dawlada ayey ku jirtaa ee maaha mid la inaga caawiyey,”ayuu yidhi Mudane Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka Jsl waxa uu tallooyin u jeediyay saxaafadda Somaliland oo uu ka dalbaday inay Umada u bandhigaan Wixii Waxqabad ah ee Xukumadu ku talaabsato halka u sidoo kalena soo dhaweeyay Wixii Dhaliil ah ee loo soo jeediyo.

 

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Xoolaha.mp3″]

SDN-Hargaysa

 

 

 

Comments are closed