|

Gudidii Madaxweyne Siilaanyo u Saaray Warshada Laydhka oo soo saaray go’aan ay meesha kaga saarayaan Maamulkii Hore ee Wershadaas(DHEGEYSO)

Hargaysa 24.Feb (SDN)   Gudidii uu dhowaan Madaxweynaha JSL u magacaabay xaaladda wershadda laydhka ee caasimadda Hargaysa ayaa maanta soo bandhigay warbixino ka hadlaya xaaladeeda iyo halka ay marayso.

Shir jaraa’id ay gudidaasi maanta ku qabatay xarunta wershadaasi ayaa Md Axmed Cabdi Xaabsade wasiirka wasaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland oo xubin ka ah gudidaasi waxa uu ka cadeeyey in wershadaasi aanay ahayn sidii lagu sheegayey isla markaana ay gudidoodu xaqiijiyeen inay shaqaynayso, dakhlina soo saarayso isla markaana ay kharshiyaad ahaan is bixinayso, gudidanina ay gacanta ku hayso.

Md Xaabsade waxa uu sheegay inay isla qaateen gudidu in maamulkii hore ee wershadda meesha laga saaro isla markaana la keeno xubno cusub oo maamulka wershadda qabta.

Dr Sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ee JSL oo isna ka mid ah gudida oo shir jaraa’idkaas ka hadlay waxuu tibaaxay in wershada laydhka ee caasimaddu ay tahay mid is bixin karta waxana uu shacbiweynaha ugu bishaareeyey inay wershadu shaqadeeda sii wadanayso isagoo ku boorriyey  dadweynahu inay iska bixiyaan kharshiyaadka lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha wershadaasi.

Xisaabiyaha guud ee qaranka Md maxamed cabdi Bede iyo hantidhowrka guud ee qaranka Md Maxamuud Aw cabdi oo iyana xubno ka ah gudidaas ayaa halkaasi ka tilmaamay sida ay wershadu u tahay mid lagu sii tiirsanaan karo , iyagoo dhanka kalena ballanqaaday inay si joogto ah ula socon doonaan xisaabaadka maalinlaha ah ee wershadaasi.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudi.mp3″]

SDN-Hargaysa

Comments are closed