Garab ka Mid ahaa Urur Siyaasadeedkii Ummada oo ku biiray Xisbiga Kulmiye iyo Weedhihii Gudoomiyaha Kulmiye
Hargaysa 24.Feb (SDN) Xaflad loo qabtay Midowga Xisbiga Kulmiye iyo garab ka mid ah ururkii Umadda ayaa manta lagu qabtay Hotel shiraaqle ee magaalada hargaysa .
Munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ay wehelinayeen mas’uuliyiinta garabka ururkii umadda oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano golayaasha baarlamaanka iyo Golaha deegaanka caasimadda ayaa waxaa ku midoobay Xisbiga Kulmiye iyo garab ka mid ah Ururkii Umadda ee ku hadhay doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka.
Md Muuse Biixi Cabdi gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa halkaasi kaga dhawaaqay inuu xisbiga Kulmiye si weyn u soo dhoweynayo garabka cusub ee siyaasadeed ee la midoobay isagoo sheegay inay yahiin dad markii horeba ahaa xisbiga kulmiye laakiin ay ku kala baydheen doorashooyinkii golayaasha deegaanka, xisbiga kulmiyena yahay xisbi qaran oo loo siman yahay.
Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md Muuse Biixi waxa uu sidoo kale ugu baaqay ururkii Xaqsoor inay ku soo biiraan xisbiga talada dalka haya ee kulmiye isagoo u ballanqaaday inay si weyn u soo dhoweyn doonaan.
Wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha Md maxamed Nuur carraale (Duur) oo isna dhankiisa soo dhoweeyey midnimada labada dhinac siyaasadeed ayaa fursadii hadalkiisa kaga faa’iidaystay inuu farriin u diro shacabka Somaliland taasoo uu kaga dalbanayo adkaynta nabadda.
Md Xirsi cali xaaji xasan wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland oo xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahinka bixiyey waxqabadkii xukumadda isagoo sheegay in dhinacyo badan waxqabad laga muujiyey mudadii labada sano iyo badhka ahayd ee xukuumadani xafiiska joogtay.
Xildhibaan saleebaan Cawed Bukhaari oo ka tirsan golaha wakiilada oo isna ku hadlayey magaca garabka siyaasadeed ee ururkii Umadda ee la midoobay xisbiga kulmiye ayaa isna munaasabaadsi ka sheegay in wada tashi ay sameeyeen xildhibaanadii ka soo baxay ururka umadda iyo taageerayashoodii, qiimayna ku sameeyeen xisbiyadii qaran ee soo baxay ay isla qaateen inay ku biiraan xisbiga Kulmiye.
Wasiirada wasaaradaha Maaliyadda, xanaanada Xoolaha, warfaafinta, wasiirul dawlaha maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye oo ay ka mid yahiin Ismaaciil Aadan cismaan (Ismaaciil yare iyo xasan gaafaadhi ayaa iyaguna munaasabadaasi goobjoog ka ahaa.
Hargaysa SDN.