Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo falal Amni daro oo ka dhacay Puntland
Garoowe Feb 24 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo dilkii loo geestay dhawaan Sheekh C/qaadir Gacameey.
Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe halkaasi oo ku socdaalayeen iyaga oo ku dhawaaqaye erayo ka dhan Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxa uu ka qeybgalay masuuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Dadka isugu soo baxay wadooyinka Garoowe ayaa isugu jiray haween,caruur,dhalinyaro iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu tun weyn yihiin culimadda.
Banaanbaxa ayaa si adag waxaa looga dhiidhinayay dilkii dhawaan loo geestay Sheekh C/qaadir Gacamey oo kooxo hubaysan ay ku dhextoogteen masaajid ku yaalo Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha maamulka Puntland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu si adag ula dagaalami doono dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dhawaan ayeey aheyd markii masjid ku yaala Magaalada Garoowe lagu toogtay Sheekh C/raxmaan Gacamey xilli uu salaada casar masjid Garoowe ku yaalaku dukanaye.
SDN-Garoowe